Duqeyn ka dhacday gobolka Sh/hoose oo lagu dilay ku-xigeenkii amiirka Al-shabaab

Diyaarado dagaal oo la aaminsan yahay in laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa habeenkii xalay duqeyn xoogan ku qaaday saldhig ay dagaalyahanadda Al-shabaab ku leeyihiin deegaanka Toora-toorow ee gobolka Sh/hoose.

Duqeyntaasi ayaa la sheegayaa in lagu dilay saraakiil sare oo ka tirsan Al-shabaab, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in saraakiishaasi la dilay uu ka mid ahaa C/ramaan Maxamed Warsame oo loo yaqaanay Mahad Karate.

Mahad Karate ayaa ka mid ahaa ku-xigeenada amiirka Al-shabaab iyo madaxa sirdoonka, waxaana lagu eedeeyaa inuu abaabulay weerarkii saldhigga degmada Ceel-cadde ee gobolka Gedo, kaasi oo askar badan oo Kenyaan ah lagu dilay.

Sidoo kale, dhawaan ayay ahayd markii ay dowladda Kenya ay sheegtay inay weerar ku dishay madaxii sirdoonka Al-shabaab iyo toban qof oo kale, kadib weerar ay ku qaaday koonfurta Soomaaliya, balse Al-shabaab ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warkaas.

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horeeysay oo duqeyn lagu dilo sarkaal ka tirsan Al-shabaab, waxaana dhowr jeer oo hore duqeymo ceynkaan oo kale ah ay ka dhaceen deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose.

error: Content is protected !!