Faah faahin:- Sheekh Axmed Garfiiq oo saakay lagu dilay Suuqa Beerta ee degmada Waaberi

Koox hubeysan ayaa saakay aroortii suuqa Beerta ee degmada Waaberi ku dishay nin ganacsade ah oo ka mid ahaa kuwa sariflayaasha ah, kaas oo magaciisa lagu sheegay Sheekh Axmed Maxamed Aadan Garfiiq.

Allaha u naxariistee Sheekh Axmed Garfiiq ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu ka mid ahaa ergadii odayaasha ahayd ee wax kasoo xulay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo lagu doortay magaalada Jowhar.

Kooxaha dilka u geystay Sheekh Axmed Garfiiq ayaa la sheegay inay ku hubeysnaayeen bistoolado, iyagoona dilka kadib goobtaasi isaga baxsaday.

Ciidamo ka tirsan nabad sugidda ee NISA oo markii dambe gaaray goobta uu dilka ka dhacay ayaa howlgalo baaritaano ah halkaasi ka bilaabay.

Maamulka degmada Waaberi oo goordhaw la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u sheegay in ciidanka nabad sugidda ee NISA ay weli ku daba-jiraan raggii ka dambeeyay falka dilka ah, dibne ay faah faahin kasoo bixin doonaan.

Illaa iyo haatan ma jirto cid loo soo qabtay ama sheegatay mas’uuliyadda dilkaasi loo geystay Allaha u naxariistee Axmed Garfiiq, balse dilalka ceynkaan oo kale ah ayaa inta badan waxaa sheegta Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab ayaa haatan u muuqata inay kordhiyeen falalka khaarijinta dadka ah, kadib markii culeys kasoo food saaray howlgallo ay ciidamada xasillinta ammaanka Muqdisho ka bilaabeen degmooyinka gobolka Banaadir

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!