Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay guddoomiyaashii hore ee degmooyinka gobolka Banaadir

Guddoomiyaashii hore ee degmooyinka gobolka Banaadir ayaa xalay xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho kullan aan caadi ahayn kula yeeshay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Codsiga kullankaasi oo ay lahaayeen guddoomiyaashaasi ayaa ku saabsanaa xil ka qaadista mar-qura dhamaantood lagu wada sameeyay iyo xaaladda ay haatan ku wada sugan yihiin.

Mas’uuliyiintaan hore ee xilalka uga soo qabtay dalka ayaa la sheegayaa inay dacwad u gudbiyeen madaxweyne Farmaajo, iyagoona u sheegay in mar qura xilalkii laga qada qaaday, iyagoo aanay haysan wax daryeel ah.

Dhammaantood ayaa ka cawday qaabka ay dowladda federaalka Soomaaliya ula dhaqantay iyo xaaladda amni ee xilligaan haysata.

Dhinaca kale, madaxweyne Farmaajo ayaa mas’uuliyiintaasi u ballan-qaaday in dowladda Soomaaliya ay arrintooda si deg-deg ah wax uga qaban doonto.

Si kastaba ha ahaatee, guddoomiyaashii hore ee degmooyinka gobolka Banaadir ayaa intooda badan ah dhalinyaro aqoonyahano ah, waxaana xilalkii laga qaaday xilli aysan filanayn.

error: Content is protected !!