XOG:- Bandow socon doonna muddo 10 maalmood ah oo la gelin doonno Muqdisho

Ilo lagu kalsoonaan karo oo aynu ka heleyno hay’adda nabad-sugidda qaranka ee NISA ayaa inoo sheegaya in ammaanka magaalada Muqdisho si weyn loo adkeyn doonno maalmaha ugu dambeeya ee bisha Ramadaan.

Ciidanka xasillinta ammaanka magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa inay magaalada gelin doonaan bandow socon doonna muddo 10 maalmood ah, si looga hortago amni darradda ay magaalada ka geystaan dagaalyahanadda Al-shabaab.

Bandowgaasi ayaa la sheegayaa inuu bilaaban doonno tobanka dambe ee bisha Ramadaan.

Qorshahaan ayaa la sheegayaa inuu wato aggaasimaha hay’adda nabad-sugidda Qaranka ee NISA C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

C/laahi Sanbaloolshe ayaa la sheegayaa inuu arrintaan uga gol-leeyahay si lagu bad-baadiyo dadka Muqdisho oo bisha barakeysan ee Ramadaan hore ula kulmi jiray weeraradda iyo qaraxyada kaga imaanayay Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, arrintaan ayaa hadii ay suurto-gasho waxay noqonaysaa markii ugu horeeysay oo in muddo ah bandow laga dhaqan geliyo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!