Ciidamada xasillinta oo maanta howlgal aan caadi ahayn ka wada degmooyinka gobolka Banaadir

Ciidamada xasillinta ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maanta howlgalkii ugu weynaa ka wada xaafadaha ku yaalla degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoona ciidamado aad u badan maanta lagu daadiyay wadooyinka iyo isgoysyadda Muqdisho.

Ciidamadaasi ayaa baaritaano adag ku wada gaadiidka yar-yar iyo kuwa dadweynaha ah, waxayna ciidamadaasi dadka ku amrayaan inay kasoo degaan gaadiidka ay saaran yihiin, si baaritaano loogu sameeyo.

Xaafadaha ay baaritaanadaasi ka wadaan ciidamadaasi ayaa ku kala yaalla degmooyinka X/jajab, Waaberi, Hodon, Wardhiigley iyo Wadajir ee magaalada Muqdisho, iyadoona baaritaankaasi uu saameyn aad u ballaaran ku yeeshay isku socodka gaadiidka, dadka iyo ganacsigaba.

Dad badan oo ay ka mid yihiin mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa maanta lagu wargeliyay inay guryhadooda iska joogaan, maadaama si weyn looga cabsi qabo qaraxyo ka dhaca magaalada.

Maanta oo ku beegan 17-ka bisha Ramadaan ayaa ah maalintii muslimiinta iyo gaalada dhex maray dagaalkii Badar.

Maalmihii ugu dambeysay waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayay isbadel dhinaca ammaanka ah, iyadoona ay yaraadeen qaraxyadda inta badan ka dhaca magaaalada xilliga lagu guddo jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Si kastaba ha ahaaatee, labadii maalmood ee ugu dambeysay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacaayey falal lid ku ah ammaanka magaalada, kadib markii dhowr habeen oo isku xigtay gudaha magaalada lagu dilay nabadoono iyo ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

error: Content is protected !!