DAAWO VIDEO:- Wiil Soomaali ah oo laga soo masaafuriyay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa dalkooda kasoo masaafuriyay arday u kala dhalatay Soomaali iyo Qadar, kuwaas oo halkaasi uga qeyb-galaayay tartankii Quraanka Kariimka ee dalkaasi ka socday.

Ismaaciil Pakistaani oo ahaa wiilka Soomaaliya u matalaayay tartankaasi ayaa lagu amray in sida ugu dhaqsiyaha badan uu isaga baxo dalkaasi, kadib markii loo diiday abaal-marintii tartanka Quraanka kariimka ee halkaasi ka socday.

Ismaaciil Pakistaani ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay in xiisadda diblomaasiyadeed ee ka jirta dalalka Khaliijka iyo Qadar ay sabab u ahayd diidmada loo diiday abaalmarinta iyo inuu sii dhameeysto ka qeyb-galka tartanka Quraanka Kariimka, maadaama dowladda Soomaaliya ay go’aan dhex-dhexaad ah ka qaadatay xiisadaas.

Sidoo kale, waxaa xiisadda kor usii qaaday kadib markii maalintii shalay wafdi ka socda dowladda Qadar ay socdaal ku yimaadeen magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, taas oo ay Imaaraadku aad uga carooday.

Soomaaliya ayaa dhex dhexaad ka noqotay khilaafka u dhaxeeya dowladda Qadar iyo dalal ay hoggaaminayaan Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Dowladaha Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa go’aanka Soomaaliya u arka mid u daneenaya dowladda Qadar, waxaana marba marka kasii dambeysa isa soo taraya, cadaadiska dowladda Soomaaliya kaga imaanaya labadaasi dal.

error: Content is protected !!