“Waxaa mararka qaar is-leedahay ra’iisul wasaarihii dhammaay ee dowladda ayaa shaqadii la wareegay..”

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa lagu eedeeyay in shaqadii ay u xil saareyd wasaaradda shaqadda iyo shaqaalaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya uu isaga la wareegay.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha C/casiis Saalax Carmaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Kheyre uu la wareegay dhammaan shaqadii wasaaradaas, lana arkaayo isagoo shaqaalaha iyo dadka wasaaradaasi ka shaqeeya daba-gal ku haaya.

“Waxaa mararka qaar is-leedahay ra’iisul wasaarihii dhammaay ee dowladda ayaa shaqadii la wareegay, maxaa yeelay wuxuu tagayaa wasaaridihii, shaqaalihii iyo dadkii ayuu kormeerayaa, shaqadaasi waxay ahayd inaa anaga qabano” Sidaasi waxaa yiri wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ee xukuumadda Soomaaliya C/casiis Saalax Carmaan.

Hadalkaan kasoo yeeray wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha ee xukuumadda Soomaaliya C/casiis Saalax Carmaan ayaa imaanaya xilli ra’iisul wasaare Kheyre uu dhawaan kormeer kala duwan ku tagay xarumaha wasaaradaha dowladda, isagoona xog-wareeysi lasoo yeeshay shaqaalihii iyo mas’uuliyiintii wasaaradaaas.

error: Content is protected !!