Qodobo laga soo saaray shirkii looga arrinsanaayay midaynta canshuuraha dalka (SAWIRO)

Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane C/raxman Ducaale Bayle ayaa maanta soo xiray shir looga arrinsanaayay sidii loo mideyn lahaa canshuuraha furdooyinka ee dalka.

Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay wasiirada maaliyadda maamulada gobolada, guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha maaliyadda, guddiga dib u habeynta maaliyadda, bangiga dhexe iyo khubaro ka socotay wasaaradda maaliyadda.

Shirkaasi oo daba socday kulmo dhowr ah oo ka kala dhacay magaalooyiMuqdisho iyo Nairobi, ayaa diiradda lagu saaray sidii wadanku u lahaan lahaa canshuur midaysan si culeyska looga dulqaado dadka shacabka ah oo ay saamayntu ku yeelato canshuurahaan is bar bar yaacaya oo maamul kasta uu qaado khidmad isaga u go’an.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Bayle oo gaba-gabadii shirka la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in qodobo muhiim u ah mustaqbalka dalka aad looga dooday waxaana ka mid ahaa:-

• In lasii amba qaadno sidii loo midayn lahaa cashuuraha iyo sidii dakhliyada wax looga qaban lahaa
• In dalka wixii soo galaya iyo wixii ka baxaya meel looga so wada jeesto
• In shuruucda khuseeya arrimaha maaliyadda ee la diyaarinayao meeshay doonaan haka socdaane in laysla ogaado marka la diyaarinayo
• In la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya Wasaaradda Maaliyadda ee XFS iyo Wasaaradaha Maamulada gobolada, shirar badan la yeesho, iyo in lasamaysto Email wada jir loogu xiriiro.
• In dalkaan wixii ka dhaxcaya oo ku saabsan arrimaha maaliyadda laga wadahadlo,
• Inaan sii ogaano waxyaalaha cusub oo aan doonayno inaan aduunka kula dhaqmayno iyo inaan isla fahano wixii aduunka aan ka aqbalayno.
• In la mideeyo daraasadaha la samaynayo ee ka dhacaya meelaha kala duwan, si looga fogaado in la sameeyo waxyaalo iska soo horjeeda.
• In shirkaan kan ku xiga lagu qabto Garoowe mudo 45 casho kadib ah

Dhanka kale, wasiiradda maaliyadda ee maamul goboleedyada ayaa dhankooda ku amaanay dowladda dhexe dadaalka dheeriga ah ee ay ugu jirto sidii dalkaan loo gaarsiin lahaa horumar baaxaad leh loona yeelan lahaa wada shaqayn ka wanagaasan tii hore.

Ugu dambeyntii, wasiirka maaliyadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa u sheegay wasiirada kale ee shirkaan ka qeyb-galayey inay saaran tahay mas’uuliyad shaqo oo aad u weyn loona baahan yahay in dalka uu gaaro isku filnaanshiyo dhaqaale.

error: Content is protected !!