Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo daah-furay shirka wadatashiga ee dib-u-heshiisiinta Qaran (SAWIRO)

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya ahna ku simaha ra’iisul wasaaraha Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar) ayaa maanta si rasmi ah u daah furay shirka wadatashiga dib-u-heshiisinta Qaran, xog-ururinta khilaafaadka iyo xaalkooda kaasoo lagu qabtey Muqdisho.

Shirkaasi ayaa waxaa kasoo qeyb galey wasiirka wasaarada arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, qaar kamid ah madaxda dalka, xubno ka socdey maamul goboleedyada, odayaasha dhaqanka, abwaano iyo qeybaha kala ee bulshada.

Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa sheegey in shirkaan uu horudhac u yahay dib-u-heshiisiin dhab ah oo loo sameenayo shacabka Soomaaliyeed. Waxuuna tilmaamey sida loogu baahan yahey in shirkaan wadatashi ay ka soo baxaan qodobo dhaxal gal u ah bulshada Soomaaliyeed, waxuuna balan qaadey iney dhaqan galinayaan go’aanada ka laga gaaro shirka.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar) ayaa u mahad celiyey madaxda wasaarada arrimaha gudaha, maadaama wakhtigii loo baahnaa ay qabteen shirka wadatashiga dib-u-heshiisiinta dalka, waxuuna cadeeyey in wadatashigan uu qeyb ka yahey dib u soo celinta dalka maadaama uu yahey mid Qaran.

“Waxaa loo baahan yahay in la sameeyo dib-u-heshiisin siyaasadeed iyo mid diimeed si loo helo kalsooni shacab taasina waxaa looga baahan yahey in looga doodo sidii loo heli lahaa kulan kan inta uu socdo” Ayuu ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar) ayaa u soo jeediyey ka qeyb galaaysha shirka iney Dib-u-heshiisiinta Dalka gaarsiiyaan deegaanada ay matalayaan si loo abuuro shacab u diyaarasan in la helo Nabad iyo Nolol,waxuuna tilmaamey in la sameeyo madal wadatashi iney qayb ka aheyd balan qaadyadii uu sameeyey Madaxweynaha Soomaaliya xiligii doorashada.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media@opm.gov.so
Ahmednur@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM

error: Content is protected !!