DEG DEG:- Qarax loo adeegsaday gaari oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goordhaw ka dhacay Hoteel ku yaalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, iyadoona qaraxa kadib goobtaasi laga maqlay rasaas badan oo dhaceeysa.

Koox loo maleeynayo inay ka tirsan yihiin dagaaalyahanadda Al-shabaab ayaa la sheegayaa inay caawa gudaha u galeen Hoteelka Posh Treats oo ku yaallo isgoyska Zoobe ee degmada Hodon, kadib markii ay weerar qarax ah ay Hoteelkaasi ku qaadeen.

Mid ka mid dadkii ka agdhawaa goobtaasi oo la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u xaqiijiyay in qarax aad u xoogan uu ka dhacay Hoteel Posh Treats oo ku yaallo degmada Hodon.

Illaa 10 qof ayaa la xaqiijiyay inay qaraxaasi ku geeriyootay, iyadoona tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacantay sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiisha dowladda Soomaaliya.

Qaraxaan ayaa kusoo beegmaya xilli muddooyinkii ugu dambeysay ciidamada xasillinta ammaanka Muqdisho ay howgallo hub ka dhigis iyo ammaan sugid ah ka wadeen degmooyinka gobolka Banaadir.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa goordhaw soo gaaray Hoteelka weerarka lagu qaaday, kuwaas oo dadka u diidaya inay goobta galaan.

Faah faahinta warkaan dib kala soco wararkeena dambe Insha Allaah

error: Content is protected !!