DF Soomaaliya oo si kulul u beenisay warar maalmihii ugu dambeysay la hadal haayay

Wasiirka warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Injineer C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) ayaa si kulul u beeniyay warar maalmihii ugu dambeysay ay baahiyeen warbaahinta madaxa banaan ee caalamka, kadibne ay si xun usii baahiyeen warbaahinadda kale ee Soomaalida.

Wasiir Yariisow ayaa sheegay inaysan jirin arrimo ku saabsan dhaqaale oo lagu soo qaaday shirar kala duwan oo maalmihii ugu dambeysay yeesheen madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa dalalka Khaliijka, balse warkaasi ay qoreen oo kaliya warbaahino qaar oo aan aqoon u lahayn anshaxa saxaafadda.

Dhinaca kale, wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Injineer Yariisow ayaa bahda warbaahinta kula dardaarmay inay ka fogaadaan faafinta wararka been abuurka ah ee aan salka laheyn, kaas oo wax u dhimi kara sharafta qaranka iyo tan dalalka ay xiriirka wanaagsan naga dhaxeeyaan.

“Waxay dowladda federaalka Soomaaliya caddeynaysaa in haba yaraatee, aanay jirin wax dhaqaale looga hadlay kulamadii la xiriiray dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee arrimaha Khaliijka, waxa warkaasi faafiyay waa warbaahinta qaarkood oo aan aqoon u lahayn anshaxa saxaafadda, ma jiro lacag dowladda madaxweyne Farmaajo loo siin lahaa inay xiriirka u jarto dalka Qadar, warkaasi waa been abuur oo aan waxba ka jirin, waxaan warbaahinta qaarkood kula tallin lahaa inay iska illaaliyaan wararka aan xaqiiqda ahayn” Sidaas waxaa yiri wasiirka warfaafinta XFS Injineer C/raxmaan Yariisow.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray wasiirka warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Injineer C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii ugu dambeysay ay warbaahinta qaarkood baahiyeen warar sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu Sucuudiga ka diiday lacag gaareysa $ 80-milyan oo dollar, si uu xiriirka diblomaasiyadeed ugu jaro dowladda Qadar.

error: Content is protected !!