Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo lagu wareejiyay sharciga la dagaalanka musuq-maasuqa (SAWIRO)

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar) oo maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay wasiir ku-xigeenka wasaarada cadaalada Soomaaliya Ciise Wehliye Macalin ayaa kala wareegay hindise sharciyeedka la dagaalanka musuq-maasuqa.

Hindise sharciyeedkaasi ayaa la filayaa in maalinta berri ah la horgeeyo golaha wasiiradda ee xukuumadda Soomaaliya, si ay uga doodaan sharcigaan cusub kadibna ay u ansixiyaan.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamuud Guuleed ayaa u mahad celiyay madaxda iyo shaqaalaha wasaarada cadaalada, maadaama ay waqti badan galiyeen sidii loo dhameys tiri lahaa sharciga la dagaalanka musuq maausaqa oo baahi badan loo qabo inuu shaqeeyo.

Sidoo kalena, ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa tilmaamay inay turjumeen sharcigii hore ee musuq maasuqa kasoo lagu dhaqmi jirey 1968-kii oo ku qornaa luuqada Talyaaniga.

“Waxaan bilawnay inaan heshiis caalamiya la sameeyno hay’addaha ka shaqeeya arrimaha la dagaalanka musuq maasuqa si aan u daba jarno musuqa” Ayuu yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar).

Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Musuq maasuqa ayaa beri shirka Golaha Wasiirada loogu qeybinayaa si ay uga doodaan,hadii ay ansixiyaan waxaa la horgeen doonaa Baarlamaanka Soomaaliya.Wuxuuna ka mid nqon doonaa sharciyada ay ku dhaqanto dowlada Soomaaliya.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media@opm.gov.so
Ahmednur@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM

error: Content is protected !!