Wasiirka amniga oo digniin culus u diray mas’uuliyiinta dowladda iyo xildhibaanada (AKHRISO)

Warqad digniin ah oo kasoo baxday xafiiska wasiirka amniga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow “Ducaale” ayaa lagu wargeliyay dhammaan mas’uuliyiinta dowladda iyo xildhibaanada baarlamaanka inay muddo 14-maalmood gudaheed ah kusoo diiwaan geliyaan illaaladooda iyo hubkoodaba.

Sidoo kale, waxaa warqadaasi lagu sheegay in iyadoo la fullinaayo amarkii ay golaha wasiiradda ku mamnuuceen ee ahaa inaan hub lagu dhex qaadan karin magaalada Muqdisho, ayaa dhammaan mas’uuliyiintaasi lagu faray in muddo 14 maalmood gudaheed ah ay kusoo diiwaan geliyaan illaaladooda iyo hubka ay isticmaalayaan.

Warqada digniinta ah ee kasoo baxday xafiiska wasiirka amniga ee XFS ayaa imaanaysa xilli golaha wasiiradda ay hore u mamnuuceen in mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda Soomaaliya aysan wadan karin wax ka badan 4 qori oo AK-47 ah iyo afar askari oo illaalo u ah.

error: Content is protected !!