Ciidamada xasillinta ammaanka Muqdisho oo feejignaan dheeri ah la geliyay (SAWIRO)

Ciidamada xasillinta ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maanta feejignaan dheeri ah la geliyay, kadib weerarkii ay dagaalyahanadda Al-shabaab xalay ku qaadeen Hoteelka Posh Tears iyo maqaayadda Pizza House ee degmada Hodon.

Ciidamadaasi oo aad u hubeysan ayaa maanta lagu arkayaa inta badan waddooyinka iyo xaafadaha ku yaalla gobolka Banaadir, waxaana ay goobahaasi ka sameeynayaan howlgalo aad u xoogan oo ay ku baarayaan gaadiidka iyo dadweynaha la socda.

Golaha wasiiradda ee xukuumadda Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa faray dhammaan hay’adaha ammaanka ee dalka inay labo jibaaraan howlgaladda ay ka wadaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Weerarkii xalay lagu qaaday Hoteelka Posh Tears iyo maqaayadda Pizza House ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhimatay ku dhawaad 20 qof, iyadoona sidoo kale ay ku dhaawacmeen tiro kale oo kor u dhaafaysa 30 qof.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay weerarkaasi, waxayna sheegeen inay ku dileen dad badan oo usoo tumasho tagay goobahaasi, islamarkaana ay ka mid yihiin kuwa Ajaanib ah, waa sida ay Al-shabaab hadalka u dhigeenee.

Inta badan bisha Ramadaan ayaa waxaa Al-shabaab looga bartay inay weeraro argagaxiso ah ka geystaan qeybaha kala duwan ee dalka, wuxuuna weerarkii xalay kusoo beegmay xilli ciidamada xasillinta ammaanka magaalada Muqdisho ay maalmihii ugu dambeysay sii labo jibaareen howlgalada lagu xoojinayo ammaanka caasimadda.

error: Content is protected !!