Ciidamo ka tirsan dowladda oo qarax miino saakay lagula eegtay duuleedka degmada Balcad

Qarax aad u xoogan oo noociisu yahay miinada dhulka lagu aaso ayaa saakay lala eegtay gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ee maraayay duuleedka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Qaraxaas kadib, ciidamada dowladda Soomaaliya ee miinada lala eegtay iyo koox hubeysan ayaa muddo daqiiqado ah isku rasaaseeyay goobta uu qaraxa ka dhacay.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo aynu qadka teleefanka kula xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in qaraxaasi iyo israsaaseynta uu ku geeriyooday 1 askari, halka 6 kale ay ku dhaawacantay.

Ciidamo kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo markii dambe gurmad ahaan goobtaasi usoo gaaray ayaa halkaasi ka qaaday askariga dhintay iyo dhaawaca 6 kale.

Xaaladda goobta ay ka dhaceen qaraxa iyo israsaaseynta ee duuleedka degmada Balcad ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana degmadaasi saakay laga dareemayaa xaalad kacsanaan ah.

Ma jirto cid illaa iyo haatan sheegatay ama loo soo qab-qabtay qaraxaas oo inta badan lala eegto ciidamada dowladda federaaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Sh/dhexe.

error: Content is protected !!