Dowladda Soomaaliya oo qorsheyneysa soo nooleynta dalxiiska dalka (SAWIRO)

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) iyo la-taliyaha dalxiiska Yasir Baffo ayaa gaaray magaalada Madrid ee dalka Spain, halkaas oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey.

Wasiir Eng. Yariisow ayaa kulamo la qaadan doona xoghayaha guud ee hay’ada dalxiiska caalamiga ah (Word Tourism Orgnanization) Mr Taleb D. Rifai iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Spain.

Uljeedada booqashada wasiirka ayaa ah dar-dar gelinta qorshaha dib u soo nooleynta dalxiiska Soomaaliya iyo sii xoojinta xiriirka Spain iyo Soomaaliya.

Wasiir Yariisow ayaa yiri “Wasaarada warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska waxey wadaa qorshihii dib u soo nooleynta dalxiiska Soomaaliya si bushada caalamka ay ugu soo dalxiis tagaan dalka, tanoo keeneysa maalgashi caalami ah iyo shaqo-abuur ay dhalinyaradu ka helayaan. Bacdamaa uu amniga soo roonaanayo ma aha in la sugo inta wax walba ka hagaagayaan ee waa inaan jiilka cusub u sii diyaarinaa jawi dalku uu kula tartami karo caalamka intiisa kale. Kulanka Xoghayaha Guud ee WTO waa fursad aan dooneyno in Soomaaliya ay door ku yeelato hay’ada dalxiiska caalamiga bacdamaa dalkeenu uu leeyahay fursad qaali ah oo ku habboon dalxiiska.”

Wasiir Eng. Yariisow ayaa inta uu joogo Madrid, Spain waxuu kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiin ka socota dalka Spain si xiriirka labada dal loo sii xoojiyo.

-DHAMAAD-

Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska
media@moi.gov.so

error: Content is protected !!