Ra’iisul wasaare Kheyre oo la dar-daarmay ergooyinka shirweynaha wadatashiga qaran (SAWIRO)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay ergooyinka ka qeyb galaya shirweynaha wadatashiga qaran ee hannaanka dib-u-heshiinta oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, kaas ay kasoo qeyb galeen dadweyne isaga kala yimid gobollada dalka.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in shirkaan uu noqdo mid u horseeda horumar dhamaan shacabka ku nool Jamhuuriyadda Soomaaliya oo sanado badan ay haysteen dhibaatooyin kala duwan, islamarkaana loo baahan yahay in la joogteeyo dib-u-heshiisiinta.

“Dib u heshiisiinta waa inaaney halkaan ku joogsan, ee waa in la joogteeyaa, si loo adkeeyo midnimada dadka, dawladda iyo hay’adaha kale ee waddanka ka jira diyaar bay u yihiin inay idin la shaqeeyaan, isla markaana idin fidiyaan taageerada aad u baahan tihiin.” Ayuu yiri ra’iisul wasaare Kheyre

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dhanka kale sheegay in tiirarka asaaska u ah dowladda Soomaaliya uu yahay hirgalinta nidaam dib-u-heshiin baahsan oo gaarta guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

“Waxaa xaqiiqo ah in dadkeena ay ka go’antahay nabad iyo iskaashiga, waxaana idiin sheegayaa dadku waxa ay go’aansadaan wey gaaraan, waxaan rajeynayaa in Soomaali meel kasta oo ay joogto ka gudubto dagaalka iyo khilaafka ayna u gudbaan nabad, iskaashi iyo wadajir” Ayuu yiri raaciyey ra’iisul wasaare Xasan Kheyre oo hadal dheer ka jeediyay shirka.

Ugu dambeyntii, ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay dadka ugu badan ee khilaafaadku ka dhaxeeyo ay kamid yihiin siyaasiyiinta, wuxuuna kula dar-daarmay in midnimada dadkeena la xoojiyo.

Shirkaan ayaa markii uu dhamaado waxaa laga soo saari doono qodobo waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan arrimaha dib-u-heshiisiinta.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media@opm.gov.so
Ahmednur@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM

error: Content is protected !!