Shirka maanta ee golaha wasiiradda iyo qodobadii looga hadlay (DHAGEYSO)

Golaha wasiirada ee xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kullankoodii joogtada ahaa kaasoo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre, iyadoo kullankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin amniga dalka iyo weerarkii kooxaha argagixisadu ay ku qaadeen maqaayadda Pizza House oo kamid ah goobaha ay ku caweeyaan shacabka Muqdisho.

Ugu horeyn wasiirka amniga ayaa golaha warbixin ka siiyay khasaaraha ka dhashay weerarkii Pizza House, wuxuuna tilmaamay in falkaasi ay ku dhinteen dad gaaraya 20 ruux oo kamid yihiin kooxihii weerarka geystay, isagoo tilmaamay in 7 kamid ah dadkaas ay yihiin haween ku sugnaa halkaas waqtigii uu qaraxu dhacaayay.

“Falkaas argagixiso wuxuu caddeeyey sida cadowga ummadeenu ugu heelan yahay daadinta dhiiggooda, waxaa cad in Shabaab ay yihiin koox ka fog diinteena marka loo eego dhacdooyinkooda, gaar ahaan midii xalay oo ay ku dileen shacab aan waxba galabsan” Ayuu yiri wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuukar Isloow (DUCAALE) .

Golaha wasiirrada ayaa cambaareeyay weerarka, waxana ay tacsi u direen shacabka Soomaaliyeed iyo cid walba oo dhibaato ka soo gaartay, weerarka argagixiso.

Dhanka kale, shirka golaha ayaa looga hadlay qodobo ay kamid yihiin soo bandhigidda dakhliga soo xarooday oo golaha uu warbixin ka siiyey wasiirka Maaliyadda Mudane C/rixmaan Ducaale Bayle.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media@opm.gov.so
Ahmednur@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM

error: Content is protected !!