DAAWO MUUQAAL:- Dowladda Jabuuti oo ku eedeysay Eritrea inay ciidamo keentay xuduuda labada dal

Dowladda Jabuuti ayaa ku eedeeysay dowladda Eritrea inay haatan dhaq-dhaqaaq ciidan ka bilawday xuduuda ay labadaasi dal wadaagaan ee Dumeyra, kadib markii ay dhawaan halkaasi isaga baxeen ciidankii nabad-illaalinta ee dowladda Qadar.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay inay haatan ka war-qabaan dhaq-dhaqaaqa ciidan oo ay Eritrea ka bilawday xuduuda labada dal ay wadaageen, taas oo uu ku tilmaamay inay tahay mid keeni karta in dagaal uu halkaasi dib uga soo cusboonaado.

Wuxuu wasiir Maxamuud Cali Yuusuf sheegay inay haatan dacwad u gudbiyeen Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo sidoo kale Qaramada Midoobay, kaas oo ay kaga dacwoonayaan daan-daansiga Eritrea ay ka bilawday xuduuda labada dal.

Sidoo kale, wuxuu wasiirka caddeeyay in dowladda Jabuuti ay diyaar u tahay nabad, haddii ay ka fursan weysana ay is-difaaci doonto.

Jabuuti iyo Eritrea ayaa dhawaan la saftay dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka oo ay xiisad siyaasadeed kala dhaxeeyso dowladda Qadar, waxayna arrintaasi keentay in Qadar oo nabad dhex dhigtay labadaas dal ay ciidankeeda kala baxdo xuduudka labada dal.

error: Content is protected !!