Madaxweyne Siilaanyo oo saakay safar deg-deg ah ugu amba-baxay Imaaraadka Carabta

Wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa safar deg-deg ah saakay ugu amba-baxay magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Safarka madaxweyne Siilaanyo oo ahaa mid aan hore loo shaacin ayaa la sheegayaa inay ku wehliyaan qaar ka mid ah golihiisa wasiiradda oo ay ka mid tahay wasiirka maaliyadda maamulkaasi Zamzam Cabdi Aadan.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegayaa inuu casuumaad ka helay mas’uuliyiinta ugu sareeysa ee dalkaasi Imaaraadka Carabta, wuxuuna safarkiisa kusoo beegmaya xilli xiisad diblomaasiyadeed ay weli ka dhex taagan tahay dowladaha Khaliijka iyo Qadar.

Maamulka Somaliland oo dhawaan shaaciyay inay xiriirka diblomaasiyadeed u jareen dowladda Qadar, ayaa muddo ku dhaw 30 sano ah raadinaya in loo aqoonsado dal ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale.

error: Content is protected !!