Markab weyn oo sida deeq kala duwan oo shalay soo gaaray dekedda magaalada Muqdisho

Waxaa maalintii shalay dekedda magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya soo gaaray markab aad u weyn islamarkaana sida deeq kala duwan oo ay soo dirtay dowladda Turkiga.

Markabkaasi oo 4-tii bishaan kasoo amba-baxay dekedda Tasucu oo ku yaalla gobolka Mersin ee koonfurta dalka Turkiga ayaa maalintii shalay soo gaaray dekedda magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Deeqdaan markab ayaa ah mid loogu talla-galay Soomaaliya, waxayna ka kooban tahay deeq¬†gaaraysa illaa 13,000 tan oo isugu jira cunto iyo gargaar bini’aadanimo.

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay markabkaan kaliya aysan ku ekaan doonin caawinaadda Soomaaliya ay ku taageereyso, balse ay mashaariic horumarineed kale ka fullin doonaan Soomaaliya.

Mashaariicdaasi ayaa ka mid ah kuwa ay dowladda Turkiga tababar ku siinayso ciidamada ammaanka Soomaaliya, si ay ula dagaalamaan ururada argagixisada ah ee ka dhisan Soomaaliya.

Markabkaan ayaa deeqda gargaar ah ee saaran laga dejin doonaa maalinta berri oo ay taariikhdu ku beegan tahay 17-ka bishaan June.

Waa gargaarkii ugu badnaa oo ay dowladda Turkiga usoo dirto dalka Soomaaliya, iyadoona ay xusid mudan tahay in diyaarinta markabkaan ay iska kaashadeen Bisha Cas ee Turkiga, hay’adda TIKA iyo hay’adda kale ee AFAD.

Dowladda Turkiga ayaa kamid ah dowladaha sida aadka ah u taageera shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda, waxayna Turkiga dalka Soomaaliya ka fulliyeen mashaariic fara-badan oo aan inta lagu soo koobi karin.

error: Content is protected !!