Ra’iisul wasaare Kheyre “Dagaalka shacabka dhexdiisa ah waa arrin aan loo dulqaadin karin..”

Ra’iisal wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ku baaqay in dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Baanyaaley ee gobolka Hiiraan ay si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah u joojiyaan dagaalka.

“Waxaan tacsi u direynaa dhammaan shacabkii ay waxyeeladu kasoo gaartay dagaalada, waxaa nasiib daro ah in weli qeybo kamid ah dalkeena ay dagaalo sokeeyo ka dhacaan, xilli lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadan oo dadku u taagan yihiin cibaadada ALLE” Ayuu yiri ra’iisul wasaare Kheyre.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in qorshaha dowladda uu yahay in si deg-deg ah ay u joojiso dagaallada iyo colaadaha, wuxuna baaq u diray maamulka Hirshabelle, Odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada, ururada bulshada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada inay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan joojinta dagaalada iyo collaadaha oo ay dowladda kala shaqeeyaan nabadeynta iyo isku soo dhaweynta dadka walaalaha ah.

“Dagaalka shacabka dhexdiisa ah waa arrin aan loo dulqaadin karin, waxeyna fursad siineysaa dhammaan inta diidan nabadda iyo horumarka, waa inaan wadajirkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeynaa oo aan khilaafkeenna ku xallinaa si nabad, wadahadal iyo dib-u-heshiisiin.” Ayuu ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media@opm.gov.so
Ahmednur@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM

error: Content is protected !!