DEG DEG:- Kullan deg-deg ah oo haatan ka soconaaya xarunta madaxtooyadda Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa haatan kulan deg-deg ah isugu yeeray saraakiisha amniga qaranka ee dowladda Soomaaliya.

Kullankaan ayaa yimid kadib weerarkii maalinta Khamiista ahayd ay dagaalyahanadda Al-shabaab ku qaadeen Hoteelka Posh Tears iyo maqaayadda Pizza House ee magaalada Muqdisho.

Weerarkaasi ayaa waxaa ku geeriyootay in ka badan 20 qof, iyadoona sidoo kale ay ku dhaawacantay 35 qof kale, sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiisha amniga Qaranka ee dowladda Soomaaliya.

Kullanka oo haatan ka socda xarunta madaxtooyadda Soomaaliya ayaa waxaa yeelanaya ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, Saraakiisha laamaha amniga qaranka, guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana looga doodayaa tallaabooyinka cusub ee ku haboon in dowladda federaalka Soomaaliya ay wax kaga badasho amniga magaalada Muqdisho.

Ciidamada xasillinta ammaanka magaalada Muqdisho oo howlgalo amni sugid ah ka bilaabay degmooyinka gobolka Banaadir tan iyo markii ay bilaabatay bishaan barakeysan ee Ramadaan ayaa weerarkii Hoteelka Posh Treats iyo maqaayadda Pizza House la dhihi karaa waa mid badalay fikirka ay shacabka hore uga aaminsanaayeen in amniga magalaada uu soo hagaagayo.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!