Faah faahin:- Al-shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Baardheere

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa weerar ay dagaalyahandda Al-shabaab habeenkii xalay ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ku leeyihiin deegaanka Lugadheere oo ku yaalla magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Weerarkaasi ayaa la sheegaya inay Al-shabaab kasoo qaadeen dhowr jiho kala duwan, waxaana weerarka kadib halkaasi ka bilawday dagaal culus oo dhexmaray dagaalyahanadda Al-shabaab iyo ciidamada Kenya.

Illaa iyo haatan lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, balse warar soo baxaaya ayaa sheegaya in labada dhinac uu qasaare soo kala gaaray.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u sheegay in xalay ay ka seexan waayeen rasaasta culus oo ay labada dhinac is-weydaarsadeen, taas oo socotay muddo saacado ah.

Ma jiro wax war ah oo kasoo kala baxay labada dhinac, kaas oo ay uga hadlayaan dagaalkii xalay ee Baardheere iyo qasaaraha labada dhinac soo kala gaaray.

error: Content is protected !!