Ugaaska beesha Xawaadle oo eedeyn kulul u jeediyay Ugaaska beesha Habargidir/Ceyr

Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa Ugaaska Beesha Habargidir/Ceyr Ugaas Xasan Ugaas Maxamed ku eedeeyay inuu si xun ula hadlay, kadib kulan labadooda dhexmaray.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo warbaahinta kula hadlay magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay inuu ka xun-yahay in Ugaaska beesha Habargidir/Ceyr ay xilligaan kasoo yeeraan hadalo aan haboonayn.

Wuxuu Ugaaska beesha Xawaadle sheegay in kadib kulan uu la yeeshay Ugaaska beesha Habargidir/Ceyr uu ku yiri in waan-waanta dagaalada ka socdo xuduuda gobolada Hiiraan iyo Galgaduud la bilaabi doonno kadib bisha Ramadaan ee haatan lagu jiro.

Maleeyshiyaad ka kala soo jeeda beelaha ay kasoo kala jeedaan labada Ugaas ayaa waxay ku dagaalamayaan xuduudka labada gobol ee Hiiraan iyo Galgaduud, waxaana labada Ugaas looga fadhiyay inay xal u helaan colaadda dhiigga badan ku daatay ee haatan socdo.

“Waxaa ka xummahay in Ugaas Xasan uu yiraahdo ciidankeyga difaac ayay ku jiraan, ee bisha Ramadaan kadib aan ka dhigno xal ka gaaridda dagaalada u dhaxeeya labada ciidan.” Sidaas waxaa yiri Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa kusoo beegmaya xilli labo maleeyshiyo oo kasoo kala jeeda beelaha labadaasi Ugaas uu dagaal culus ku dhexmaraayo xuduuda deegaano hoosyimaada degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

error: Content is protected !!