DAAWO VIDEO:- Ra’iisul wasaare Kheyre oo xalay kormeer ku tagay qeybo ka mid ah Muqdisho

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyo wasiirka amniga iyo taliyaha nabad-sugidda ayaa xalay kormeer ay u kuur-galayeen qaabka ay xilliyada habeenkii ah u shaqeeyaan ciidamada xasillinta caasimadda ku tagey degmooyin dhowr ah, isagoo warbixino ka dhageystay saraakiishii uu kula kulmay waddooyinkii ay kormeerka ku marayeen.

Ra’iisul wasaare Xasan Kheyre ayaa kormeeray inta badan degmooyinkii ay howlgallada xasilinta caasimaddu ka socdeen, gaar ahaan Wadajir, Hodan, Howl-wadaag, Wardhiigleey, Yaaqshiid, Waaberi, Xamar-weyne, Shangaani iyo Cabdalcasiis, isagoo ka wareystay ciidamada qaabka ay waajibaadkooda shaqo u gudayaan, waxana uu markaas kadib ra’iisul wasaaruhu tagey isgoyska Tarabuunka, isagoo dhalinyaro halkaasi ku caweysnaysay ka wareystay sida ay u arkaan xasillinta caasimadda, kulana dar-daarmay in gacan ay siiyaan ciidamada amniga.

Mudadii uu ra’iisul wasaaruhu ku jiray booqashadiisa waxaa la arkayay dhalinyaro raxan raxan u fadhisa goobaha maqaaxiyaha, kuwaasi oo aysan ka muuqan wax wal wal amni ah, waxaana qaarkood ay ka salaamayeen dusha wafdiga la socda ra’iisul wasaaraha.

Ugu dambeyntiina, ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in kormeerkiisan uu ahaa mid uu ugu kuurgalayay xaaladdaha ammaanka caasimadda, islamarkaana uu ku faraxsan yahay inuu arko habeen saq-dhexe in dhalinyaradu ay ku ciyaaraan banaanka xaafadahooda, wuxuuna tilmaamay in tani ay tahay dadaalka ciidanka ammaanka, isaga oo kula dardaarmay inay sii laban laabaan.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media@opm.gov.so
Ahmednur@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM

error: Content is protected !!