DEG DEG:- Askari ka tirsanaa ciidanka dowladda oo goor-dhaw lagu dilay degmada Dharkeenley

Koox hubeysan ayaa goor-dhaw agagaarka suuq Boocle ee degmada Dharkeenley ku dishay askari ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya, iyagoona sidoo kale dhaawacay askari kale.

Askariga la dilay ayaa la sheegayaa in dhowr rasaas lagu dhuftay xilli uu ku sugnaa agagaarka suuq Boocle ee degmada Dharkeenley.

Kooxihii dilka u geystay askarigaasi ayaa la sheegayaa inay islamarkiiba goobta isaga baxsadeen, waxaana haatan halkaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka oo howlgalo baaritaano ah goobtaas ka bilaabay.

Illaa iyo hataan ma jirto cid lagu soo qabtay howgalkaas ama sheegatay inay ka dambeysay dilka askarigaas iyo dhaawaca askariga kale.

Si kastaba ha ahaatee, dilkaan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada xasillinta ammaanka Muqdisho ay maanta howlgalo culus ka wadaan qeybo ka mid ah wadooyinka ku yaalla degmooyinka magaalada Muqdisho.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!