DEG DEG:- Xiisad kacsanaan ah oo ka taagan magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer

Wararka naga soo gaarayo magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa sheegaya in haatan ay halkaasi ka taagan tahay xiisad kacsanaan ah, kadib markii ciidamo hubeysan oo deegaan ahaan kasoo jeeda maamulka Puntland ay dhaq-dhaqaaq ciidan bilaabeen.

Ciidamadaasi hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo waramayaa inay haatan isku uruursanayaan deegaanka Soojeede oo qiyaastii 40-km u jirta magaalada Buuhoodle.

Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in ciidankaasi ay kasoo horjeedaan talaabadda uu maalin kahor qaaday madaxweynaha maamulka Khaatumo State Dr. Cali Khaliif Galeyr.

Madaxweynaha Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa dhawaan shaaciyay in maamulkiisa uu ku biiray maamulka Somaliland, kadib heshiis 5 qodob ka kooban ay labadaasi dhinac kala saxiixdeen.

Dhinaca kale, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamadaasi hubeysan ay madaxweynaha Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galeyr u diideen inuu tago magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.

Illaa iyo haatan lama oga sida uu xaalka ku dambeyn doonno, waxaana haatan magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq ciidan oo aad u xoogan.

Ciidamada hubeysan iyo kuwa maamulka Somaliland ayaa laga cabsi qabaa inay magaaladaasi ku dagaalamaan.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!