Wasiir Xoosh oo kulan la yeeshay gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka (SAWIRO)

Wasiirka wasaaradda arrimaha dastuurka Mudane C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa maanta xafiiskiisa kula shiray gudoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim, waxa ayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo wadashaqaynta ka dhaxeeysa wasaaradda iyo guddiga.

Wasiir C/raxmaan Xoosh Jibrril oo shirka ay ku wehliyeen aggaasimaha guud ee wasaaradda iyo qaar kamid ah la taliyayaasha wasaaradda ayaa u ballan-qaaday guddiga inay la yeellan doonaan wadashaqayn joogta ah.

“Wasaaradda iyo guddiga waxa ay dalka u hayaan hawl muhiim u ah gaarista doorashada “Qof iyo Cod” ee la doonayo in dalka ay ka dhacdo 4-ta sanno ee soo socota, waa inaan yeelanaa wadashaqayn joogta ah si aan uga soo dhalaalno waajibaadka ina saaran ee shacabka Soomaaliyeed inaga sugayaan” Ayuu yiri wasiirka.

Ugu dambeyn, kulankaan ayaa bilow u ah wadashaqeyn dhexmarta wasaaradda iyo guddiga maadaama geedi-socodka dib u eegsita dastuurka ee ay wasaaradda hirgelineyso uu wadada u furaayo gaarista doorasho “Qof iyo Cod” oo dalkeenna ka dhacda.

-DHAMAAD-

error: Content is protected !!