Madaxweyne Farmaajo oo sanadkaan ka farxiyay caruur agoon ah oo aan waxba haysan (DHAGEYSO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa deeq lacageed oo ku dhaw $20,000 dollar gaarsiiyay caruur agoon ah oo ku jirta Ex-xaruntii agoonta gabdhaha Kacaanka ee ku taalla degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Caruurtaasi oo tiro ahaan gaareysa 180 caruur balse 10 ka mid ah ay xanuun awgeed u maqan yihiin ayaa waxaa midkiiba la siiyay lacag dhan $110 dollar-ka Mareykanka ah.

Madaxweyne Farmaajo oo arrinkaasi u wakiishay aggaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya C/nuur Maxamed Axmed ayaa caruurtaasi agoonta ah ku wareejiyay lacagtaasi loogu talagalay inay ku ciidaan.

Wuxuu C/nuur sheegay in wixii hadda ka dambeeya caruurtaasi ay noloshooda kafaalo qaday madaxtooyada Soomaaliya islamarkaana bil walba la siin doonno waxyaabaha ay u baahan yihiin.

“Waxaan halkaan u nimid markii ugu horeysay anagoo wakiil ka ah madaxweynaha Soomaaliya deeq lacageed oo naloogu soo dhiibay inaan ku wareejino caruurtan oo hadda halkan ku fadhiya 170 canug, tiradoodu guudna ay tahay 180, canug, laakiin toban ka mid ah ay xanuuno kala duwan ugu maqan yihiin, canugiiba aan u keenay boqol iyo toban dolar oo isugu jirta ciid iyo waxyaabo kale oo ay ka dhigtaan nooli, waxaana kaloo rabaa in aan halkan ka caddeeyo aniga oo ku hadlaya magacaga Madaxtooyada in wixii maanta ka dambeysa nolosha carruurta ay Madaxtooyada qaabileyso bilkastaā€¯. ayuu yiri agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hore u sheegay in dowladda Soomaaliya ay si joogta ah ula socon doonto xaaladda ay ku sugan yihiin caruurta agoonta ah ee ku jira xerada Agoonta ee degmada Afgooye, halkaas oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa sidaan oo kale lacag gaaraysa 30,000 oo doolar, oo uu sheegay in haddiyad ahaan loo siiyay uu ku wareejiyay guddiga gurmadka abaaraha dalka, si loo gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed oo ay abaaruhu saameeyeen.

error: Content is protected !!