Ra’iisul wasaare Kheyre oo si kulul uga hadlay weerarkii maanta ee degmada Wadajir

Ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa si kulul u cambaareeyey falkii argagaxisada ay ku bar-tilmaameedsadeen dad rayid ah oo ku sugnaa xarunta degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa marka hore tacsi u diray dhammaan dadkii ku dhintay weerarkaan, wuxuuna EEBBE uga baryey inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo, isagoona intii dhaawacantayna u rajeeyey iney ka bogsadaan dhaawaca.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa weerarkan ku tilmaamay mid lagu soo beegay xilli ay dadka Soomaaliyeed ku jireen diyaar garoowga ciidda iyo maalmihii u dambeeyey ee bisha barakeeysan ee Ramadaan, sidaas awgeedna ay tallaabadani ka tarjumeeyso uljeedooyinka gurracan ee kooxaha nabad-diidku ku doonayaan inay ku dhaawacaan dareenka dadka Soomaaliyeed si ay uga niyad jebiyaan rajada nabadda iyo dawladnimada ee aadka u sarraysa, isagoo caddeeyey in weerarada noocan ah aanay qaranka Soomaaliyeed ka leeexinayn waddada horumarka iyo dawladnimada.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dhinaca kale sheegay in kooxdan argagaxisada Al-shabaab ay yihiin cadowga ummada Soomaaliyeed oo ay marwalba shacabka ugaarsadaan.

“Kooxdaan argagaxisada ah ee Al-shabaab waa naflacaari u soo jeestay inay shacabka isku qarxiyaan oo ma wadaan dan Soomaaliyeed, mana heystaan diin, waana inaan meel uga soo wadajeesano oo juhdi walba aan ku bixinaa, waxey rabaan inay taariikhda ummada baaba’iyaan, waxey bartilmaameystaan maatada iyo carruurta, mana galaan walaal.” Sidaas waxaa yiri ra’iisul wasaare Kheyre

Ugu dambeyntii, ra’iisul wasaare Kheyre ayaa ugu baaqay dhalinyaradda la marin habaabiyay ee kooxda Al-shabaab, inay ka faa’iideystaan fursada cafiska ah oo uu madaxweyne Farmaajo u fidiyey, si ay dib u dhiska dalkooda uga qeyb qaataan, wuxuuna sheegay in dowladda Sooomaaliya ay dhalinyaradaas siin doonto daryeel iyo sidii ay ugu adeegi lahaayeen bulshadooda.

error: Content is protected !!