Ciidamada maamulka Somaliland oo xabsiga u taxaabay nin u dhashay dalka Yemen

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland ayaa sheegaya in maanta halkaasi lagu xiray nin u dhashay dalka Yemen.

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay ninkaas u dhashay dalka Yemen, kadib markii sida la sheegay uu jabsaday dhowr dukaan oo ku yaala magaalada Hargeysa.

Ninkaan ayaa dukaamadaasi uga soo dhacay dusha sare, kadibne uu ka qaatay lacago iyo dahab yaalay gudaha dukaamadaas.

Dhinaca kale, muuqaalo laga helay kaamaradaha qarsoon ee loo yaqaano CCTV ee ku xirnaa dukaamada la jabsaday ayaa dhamaantood lagu arkay in ninkaasi u dhashay Yemen oo waqti dambe dusha uga soo dhacaya dukaamada, kadibne jabinaaya qasnado dhex yaalay.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horeeysay oo magaalada Hargeysa lagu xiro nin u dhashay dalka Yemen, xilli uu jabsaday dukaamo kala duwan oo halkaasi ku yaalla.

error: Content is protected !!