DEG DEG:- Diyaarado dagaal oo duqeeyay deegaano ka tirsan maamulka Somaliland

Wararka hataan naga soo gaaraya Somaliland ayaa sheegaya in diyaarado dagaal oo aan la aqoon meel laga leeyahay ay duqeyn xoogan u geysteen deegaano ka tirsan maamulkaasi.

Guddoomiyaha gobolka Salal ee maamulka Somaliland Axmed Maxamed Xaashi oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in diyaaradahaasi ay rasaas xoogan ku rideen deegaano ku dhaw magaalo xeebeedka Saylac ee gobolka Awdal.

Wuxuu guddoomiyaha sheegay in rasaastaasi aysan waxyeelo kasoo gaarin dad shacab ah balse ay ku dhinteen xoolo nool oo ay lahaayeen dad reer miyi ah.

Illaa iyo haatan ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta sare ee maamulka Somaliland, kaas oo ay kaga hadlayaan duqeynta laga geystay deegaanadeeda.

Xilliyadda soo socdo ayaa la filayaa in mas’uuliyiinta Somaliland ay faah-faahin ka bixiyaan duqeyntaas.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!