Kullamo looga soo horjeedo siyaasadda Dr. Cali Khaliif Galeyr oo ka dhacay Buuhoodle (DHAGEYSO)

Siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag ayaa saacadihii ugu dambeysay kullamo kala duwan ku yeelanayay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Togdheer.

Kullamadaasi ayaa ahaa kuwa looga soo horjeedo siyaasadda uu haatan lasoo baxay madaxweynaha maamulka Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galeyr.

Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa dhawaan heshiis 5 qodob ka kooban la saxiixday maamulka Somaliland, isagoona kadib shaaciyay in maamulka uu isaga hoggaaminayo uu si rasmi ah ugu biiray maamulka Somaliland.

Siyaasiyiinta iyo waxgaradka gobolada Sool iyo Sanaag oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dr. Cali Khaliif Galeyr uusan matalin dadka ku nool deegaanadaas, islamarkaana go’aanka uu qaatay ay kasoo horjeedaan.

Dhinaca kale, waxay siyaasiyiintaasi iyo waxgaradkaasba sheegeen inay dhawaan yeelan doonaan kullamo kale oo kala duwan, iyagoona kullamadaasi uga hadli doonno sidii ay kusoo dooran lahaayeen hoggaan kale oo badala Dr. Cali Khaliif Galeyr.

error: Content is protected !!