Shil naxdin leh oo gelinkii dambe shalay ka dhacay galbeedka magaalada Hargeysa (SAWIRO)

Waxaa gelinkii dambe ee shalay galbeedka magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland ka dhacay shil gaari oo aad u xoogan, kaas oo ka dhashay qasaare kala duwan.

Shilkaasi ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen gaari nooca raaxadda ah iyo kuwa xamuul qaada ah, waxaana ku geeriyootay illaa 3 qof oo mid ka mid ah uu ahaa askari, halka labada kalena ay kala ahaayeen darawalkii gaariga waday iyo wiil yar oo dhalinyaro ah.

Gaadiidka dab-damiska oo soo gaaray goobta uu shilka ka dhacay ayaa markii dambe ku guuleystay inay baqtiyaan dabka.

Inta badan shilalka ka dhaca deegaanada Somaliland ayaa loo aaneeyaa wadada qaarkood oo burbursan, iyadoona shilka shalay ka dhacay galbeedka Hargeysa uu ahaa kii ugu naxdinta badnaa ee bilooyinkaan dambe ka dhaca halkaas.

error: Content is protected !!