Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Farmaajo oo maanta ku wajahan magaalada Kampala

Wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in maanta ay u amba-baxaan magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.

Ilo xog-ogaal ah aynu ka heleyno xarunta madaxtooyadda Soomaaliya ayaa sheegaya in safarka madaxweyne Farmaajo ee Uganda uu yimid kadib markii uu casuumaad ka helay madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmi doonno dhiggiisa dalkaasi Uganda Yoweri Museveni, wuxuuna kala hadli doonnaa arrimo ay ka mid yihiin xaalada amni ee dalka Soomaaliya iyo sidii dowladda Uganda u ballaarin laheyd taageerada ay siiso dowladda federaalka Soomaaliya

Dhinaca kale, safarka madaxweyne Farmaajo ee dalka Uganda ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Muqdisho ay ka socdaan howgalo culus oo amni suggid ah, kaas oo ay wadaaan ciidamo isku dhaf ah oo loogu magac daray xasillinti ammaanka Muqdisho.

Waa safarkii ugu horeeyay uu madaxweyne Farmaajo ku tago dalka Uganda, tan iyo markii loo doortay xilka uu haatan haayo 8-da bisha Febraayo ee 2017-ka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hore safaro kala duwan ku kala bixiyay dalalka ku yaalla qaaradda Afrika, waxaana dalalkaasi ka mid ahaa Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, iyadoona safarka Uganda uu ku tagi doonno uu noqon doonno kiisa afaraad ee uu ku gaaro dalalka dariska ah.

error: Content is protected !!