DEG DEG:- Qarax xoogan oo dhowr daqiiqado kahor ka dhacay magaaalada Muqdisho

Qarax aad u xoogan ayaa dhowr daqiiqado kahor ka dhacay wadada Makka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka isgoyska Dabka ee degmada Waaberi, iyadoona qaraxa kadib goobtaasi laga maqlay rasaas badan oo dhaceeysa.

Qaraxaasi oo illaa iyo haatan aan la ogeyn waxa uu ahaa ayaa la sheegayaa inuu geystay qasaare kala duwan, inkastoo aan si rasmi ah loo ogaan karin inta uu qasaarahaasi gaarsiisan yahay.

Mid ka mid dadkii ka agdhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay oo la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u xaqiijiyay in qarax aad u xoogan uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Dabka ee degmada Waaberi.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo islamarkiiba soo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa xiray halkaas, iyagoona dadka u diidaya inay goobtaasi kasoo ag-dhawaadaan.

Qaraxaan ayaa kusoo beegmaya xilli muddooyinkii ugu dambeysay ciidamada xasillinta ammaanka Muqdisho ay howgallo ammaan sugid ah ka wadeen degmooyinka gobolka Banaadir.

Faah faahinta warkaan dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!