Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay jaaliyadda soomaaliyeed ee magaalada Kampala (SAWIRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo gelinkii dambe shalay gaaray dalka Uganda ayaa maanta la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Kampala.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed uga warbixiyay marxaladda uu dalku maraayo, wuxuuna sidoo kale dhageystay codka jaaliyadda iyo cabashooyinka ay qabaan, si uu u hordhigo madaxweynaha dalkaasi Uganda Yoweri Museveni oo uu gelinka dambe maanta la kulmi doonno.

Dhinaca kale, madaxweyne Farmaajo ayaa kula dar-daarmay Jaaliyadda Soomaaliyeed inay ka qeyb-qaataan dib u dhiska dalka iyo sidoo kale amniga, wuxuuna ugu baaqay ganacsatadda dalkaasi ku sugan inay ganacsigooda usoo rartaan dalka.

Ugu dambeyn, madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu magaalada Kampala kulamo gaar-gaar ah kula yeesho madax ka timid dalal kala duwan, oo halkaasi uga qeyb-galaya shir ku saabsan arrimaha qaxootiga.
error: Content is protected !!