Puntland oo digniino culus kasoo saartay weeraro kaga yimaada dhinaca Al-shabaab (DHAGEYSO)

Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee maamulka Puntland G/Sare Aadan Nuur oo ka hadlay xaaladda ammaan ee magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inay haatan wanaagsan tahay, isagoona dhinaca kale digniin culus kasoo saaray in dagaalyahanadda Al-shabaab ay doonayaan inay weeraro ku qaadaan magaalooyinka uu maamulkaasi ka arrimiyo.

Waxa uu taliye Aadan Nuur sheegay inay haayaan xog muujineysa in dagaalyahanadda Al-shabaab ay haatan damacsan yihiin inay weeraro lagu hoobto kusoo qaadaan meelaha ay dadka shacabka ah isugu yimaadaan, oo ay ka mid yihiin suuqyada waaweyn, goobaha laga shaaho iyo meelo kale oo badan.

Sidoo kale, taliye Aadan Nuur ayaa shacabka magaalada Gaalkacyo ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka ee magaalada Gaalkacyo, si loo fashiliyo weeraradaas ay suurto-galka tahay in laga geysto magaalooyinka uu ka arrimiyo maamulkaas.

“Waxaan shacabka ka doonaynaa inay la shaqeeyaan ciidamada booliska iyo kuwa daraawiishta, si looga hortago weerarada ay Al-shabaab ka damacsan yihiin inay ka geystaan deegaanada Puntland, waa hubaal inaan ka hortagi karno hadii ay dadka shacabka ah nagu soo wargeliyaan halka ay ku dhuumaaleysanayaan shar-wadayaasha Al-shabaab” Sidaasi waxaa yiri taliyaha qeybta booliska gobalka Mudug G/Sare Aadan Nuur.

error: Content is protected !!