Warar hordhac ah oo laga helaayo qarax daqiiqado kahor ka dhacay magaalada Muqdisho (SAWIRO)

Qarax loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa daqiiqado kahor lagu weeraray saldhiga degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, iyadoona qaraxa kadib goobtaasi laga maqlay rasaas badan oo dhaceeysa.

Qof naftiis halige ah oo ka tirsan dagaalyahanadda Al-shabaab ayaa la sheegayaa inuu gaari miineysan ku dhuftay afaafka hore ee saldhiga degmada Waaberi oo ku yaalla kasoo horjeedka Hoteelka Makka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Mid ka mid dadkii ka agdhawaa goobta uu qaraxaasi ka dhacay oo la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa u xaqiijiyay inuu arkay dhowr qof oo dhaawac ah, kuwaas oo ka mid ahaa dadkii shacabka ahaa ee ka agdhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay.

Illaa 8 qof ayaa la xaqiijiyay inay qaraxaasi ku geeriyootay, iyadoona tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacantay sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiisha dowladda Soomaaliya oo aynu qadka teleefanka kula xiriirnay.

Dhinaca kale, ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa nabad-sugidda qaranka ee NISA oo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa xiray halkaas, iyagoona dadka u diidaya inay goobtaasi kasoo ag-dhawaadaan.

Qaraxaan ayaa kusoo beegmaya xilli muddooyinkii ugu dambeysay ciidamada xasillinta ammaanka Muqdisho ay howgallo ammaan sugid ah ka wadeen degmooyinka gobolka Banaadir.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!