Ciidanka xasillinta ammaanka oo kordhiyay howlgalada ay ka wadeen magaalada Muqdisho

Ciidamada xasillinta ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aan caadi ahayn u kordhiyay howlgalada ay maalmihii ugu dambeysay ka wadeen xaafadaha ku yaalla degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoona ciidamado aad u badan maanta lagu daadiyay wadooyinka iyo isgoysyadda Muqdisho.

Ciidamadaasi ayaa maanta lagu arkayaa waddooyinka iyagoo baaritaano adag ku wada gaadiidka yar-yar iyo kuwa dadweynaha ah, waxayna ciidamadaasi dadka ku amrayaan inay kasoo degaan gaadiidka ay saaran yihiin, si baaritaano loogu sameeyo.

Goobaha ay ciidamadaasi baaritaanadaasi ka wadaan ayaa ku kala yaalla degmooyinka X/jajab, Waaberi, Hodon, Wardhiigley iyo Wadajir ee magaalada Muqdisho, iyadoona baaritaankaasi uu saameyn aad u ballaaran ku yeeshay isku socodka gaadiidka, dadka iyo ganacsigaba.

Howlgalkaan maanta ka socdo magaalada Muqdisho ayaa ka dambeeyay, kadib weerarkii shalay lagu qaaday saldhiga degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay shacab badan ku geeriyoodeen.

Wasiirka amniga ee xukuumadda federalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) oo weerarka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada xasillinta ammaanka Muqdisho ay xilli kasta diyaar u yihiin bad-baadinta shacabkooda islamarkaana shacabka looga baahan yahay dhinacooda inay u midoobaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Weerarkii shalay lagu qaaday saldhiga degmada Waaberi ayaa waxaa ku geeriyootay 10 qof oo isugu jiray dad shacab iyo ciidamo ka tirsan dowladda, iyadoona ay ku dhaawacantay in kabadan 20 qof kale, sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiisha dowladda Soomaaliya.

Tan iyo markii ay ciidamada xasillinta ammaanka Muqdihso howlgalada ka bilaabeen degmooyinka gobolka Banaadir, waxay Al-shabaab badaleen qaabka ay weerarada u geysan jireen, iyadoona 10-kii maalmood ee ugu dambeysay ay fulliyeen seddax weerar oo kala duwan, kuwaas oo qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay dad shacab ah.

error: Content is protected !!