Meydka wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga ee Jubbaland oo lagu aasay magaalada Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya lagu aasay Allaha u naxariistee meydka wasiirkii dhalinyarada iyo isboortiga ee maamulka Jubbaland Maxamed Maxamuud Yuusuf (Aw Libaax).

Allaha u naxariistee Maxamed Maxamuud Yuusuf (Aw Libaax) ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo kasoo gaaray qarax shalay lagu weeraray saldhiga degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa inta aanu geeriyoon kahor waxaa dhaawac ahaan loola cararay isbitaalka Ex-Digfeer ee Rajab Dayib Erdogan ee magaaladda Muqdisho, halkaasi oo markii dambe ku geeriyooday.

Dhinaca kale, madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay warbaahinta Bulshoweyn ayaa sheegay in maamulka iyo shacabka Jubbaland ay aad uga xanuunsadeen geerida wasiirka, wuxuuna tacsi u diray dhammaan dadkii uu ka geeriyooday.

Weerarkii shalay lagu qaaday saldhiga degmada Waaberi ayaa waxaa ku geeriyootay 10 qof oo isugu jiray dad shacab iyo ciidamo ka tirsan dowladda, iyadoona ay ku dhaawacantay in kabadan 20 qof kale, sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiisha dowladda Soomaaliya.

error: Content is protected !!