Maamulka Koonfur Galbeed oo soo dhaweeyay go’aanka Mareykanka ee Sheekh Mukhtaar Roobow

Maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay inay si weyn usoo dhaweeynayaan tallaabadda ay dowladda Mareykanka liiska argagaxisada uga saartay wadaadka caanka ah ee Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo deegaan ahaan kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku jiray liiska argagixisada waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka oo hore lacag gaareysa 5 million dollar ay madaxiisa dul saartay.

Sidoo kale, Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa ka mid ahaa saraakiishii ugu sareeysay ee Xarakada Al-shabaab, waxaana uu isaga soo baxay kadib markii uu khilaaf baahsan soo kala dhex-galay isaga iyo hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.

Wasiirka warfaafinta ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Cabdi Maxamed oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inay si weyn usoo dhaweynayaan go’aanka dowladda Mareykanka ay liiska argagaxisada uga saartay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo deegaan ahaan kasoo jeeda deegaanada maamulkaas.

Wuxuu wasiirka sheegay in Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur uu yahay shaqsi dhex-dhexaad ah isla-markaana jecel dalkiisa iyo dadkiisa, balse ay marin habaabiyeen hogaamiyayaasha sare iyo Xarakada Al-shabaab.

“Waan arkay qoraalka ku aadan in dowladda Mareykanka ay liiska argagaxisada ka saartay Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, waxaan ku sameeynay dabagal in arrintaasi wax ka jiraan, waxaana inoo cadaatay inuu warkaasi jiro, runtii Sheekh Mukhtaar Roobow wax dhibaato ah oo haatan la sheegi karo kuma uusan haynin deeganada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo shacabkeedaba, waa shaqsi aad u jecel dadkiisa iyo dalkiisa, waana soo dhaweeynayaa go’aanka uu Mareykanku ka qaatay arrintiisa” Sidaas waxaa yiri wasiirka warfaafinta ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Xasan Cabdi Maxamed.

Dhinaca kale, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur oo ka mid ahaa hoggaamiyaasha ugu sareeysay Al-shabaab ayaa inta badan lagu eedeeyaa inuu mas’uul ka ahaa dad badan oo Soomaaliyeed oo lagu diley dagaalo uu hoggaaminaayey iyo amaro uu isaga shaqsi ahaan u bixiyay.

Si kastaba ha ahaatee, Sheekh Mukhtaar Roobow oo in muddo ah baxsad ka ahaa Al-shabaab ayaa la aaminsan yahay inuu ku noolyahay deegaano hoostaga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kadib markii ay isku dhaceen hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.

error: Content is protected !!