Internet la’aan baahsan oo maanta ka jirta qeybo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya

Waxaa tan iyo xalay magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya ka jirtay Internet la’aan baahsan, xilli maanta dalka looga dabaal-degaayo munaasabadda Ciidul Fidriga.

Internet la’aantaas ayaa la sheegayaa inay saameyn weyn ku yeelatay dhamaan howlihii ka socday xafiisyada dowladda iyo shirkadaha qaaska loo leeyahay.

Abaarihii 9.00pm fiidnimo ee xalay ayaa la sheegayaa in halmar la waayay adeegii Internetka ee magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah magaalooyinka ku yaala gobolada dalka Soomaaliya.

Shaqaalaha shirkadaha bixiya adeegyadda Internet-ka ayaa haatan dadaal xoogan ugu jira sidii ay macaamiishooda u qancin lahaayeen, inkastoo aysan si cad u sheegi karin halka ciladdu ka jirto.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horeeysay oo xilli Ciid ah ay Internet la’aan baahsan ka dhacdo magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka tan iyo markii si rasmi ah dalka looga hirgaliyay adeegga internetka.

error: Content is protected !!