Ra’iisul wasaare Kheyre oo baaq u diray dhalinyaradda la marin habaabiyay ee Al-shabaab

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan shucuubta kale ee muslimiinta adduunka ugu hambalyeeyay munaasibadda Islaamiga ah ee Ciidul Fidriga, isagoona farriintaan hambalyada ah ugu rajeeyay dadka Soomaaliyeed inay nabad ku ciidaan, kuna gaaraan ciidan ciideeda horumar, nabad, barwaaqo iyo midnimo.

“Waxaan halkaan hambalyo ku aaddan Ciidul Fidriga uga soo jeedinayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo dhammaan Muslimiinta adduunka, waxaan dadka Soomaaliyeed ku leeyahay ku ciida nabad iyo farxad, waxaan Illaah ka baryayaa in aynu ciiddan ciideeda ku gaarno, nabad iyo horumar” Sidaas waxaa yiri ra’iisul wasaare Kheyre.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in ciidan ay kusoo beegmeyso xilli horumar laga sameeyay amniga dalka gaar ahaan magaalada caasimadda, isla-markaana dadaalada geedi-socodka dawlad-dhisidda iyo nabad-dhisidda Soomaaliya ay marayaan meeshii ugu wanaagsanayd, iyadoo sannadba sannadka ka danbeeya uu dalku ka soo hagaagayo oo aan marna dib loo noqon doonin..

Wuxuu ra’iisul wasaare Kheyre ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay dowladda ku garab istaagaan dadaalka ay ugu jirto suggidda ammaanka caasimadda islamarkaana ay muujiyaan dulqaad lana shaqeeyaan ciidamadda u taagan sugidda amnigooda, wuxuuna dadkiisa xusuusiyay in danaha ummadeed ee aynu leenahay oo ay ugu muhiimsan yihiin adkaynta dawladnimadeena iyo midnimadeena ay u adeegayaan danaha dhammaan dadka Soomaaliyeed oo dhan, isla-markaana ay dadku qaataan nabadda, wax-wada-yeelashada iyo wada-noolaanshaha.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka nabadda diidan inay ka waantoobaan rabshadaha iyo daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah, damacoodana ku raadiyaan jidka nabadda, wadahadalka iyo is-dhegeysiga.

Ugu dambeyntii, ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre waxa uu si gaar ah ula hadlay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ay marin habaabiyeen kooxaha hubeysan ee baalmarsan qiyamka nabadeed ee diinta Islaamka, waxaana uu ku booriyay inay ka faa’iideystaan waqtiga ka haray cafiska ay dowladdu u fidisay.

Ciid Mubaarak

DHAMMAAD

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media@opm.gov.so
Ahmednur@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM

error: Content is protected !!