DAAWO VIDEO:- Madaxweyne C/weli Gaas “Nin abeeso koriyoow adigaa u aayi doonna..”

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo maalintii shalay Salaadii Ciidul Fidriga khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay garoonka Mire Awaare ee magaalada Garoowe ayaa ku eedeeyay mid ka mid ah maamulada ka dhisan dalka inay taageeraan dagaalyahanadda Al-shabaab ee dhibaatada weyn ku haysa deegaanada Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa khudbadiisa ku sheegay in dhibaatada ay Al-shabaab ku hayso deegaanada uu ka arrimiyo Puntland ay ku dambeyn doonto kuwa hadda soo abaabulaya islamarkaana taageeraya.

“Waxaan ka xumahay inay jiraan, dad dariskeena ah oo aad moodin inay taageerada Al-shabaab ay waqti ku iibsanayaan, waan ka xumahay, waxaan u sheegaya Soomaalidu waxay tiraahdaa “Nin abeeso koriyoow adigaa u aayi doonna”, cida u dambeysa oo Al-shabaab dhibaateynaysa inay tahay kuwa iyagu hadda miciin biday ama raba inay anaga nagu dhibaateeyaan, weeye kuwa runtii dhibtu ku dambeyn doontaa sidaas ayaan u sheegayaa” Sidaas waxaa yiri Madaxweyne Gaas

Dhinaca kale, madaxweyne Gaas ayaa sheegay inuu doonayo in Puntland ay dariskeedda kula nolaato nabad iyo walaalnimo, isagoona ugu baaqay maamuladda dariska ah inaan la isku taageerin, oo aan la isku adeegsan ururka Al-shabaab

“Inaan la isku fidneyn Al-shabaab, oo la isku taageerin ayaan anigu ku baaqayaa, sababtoo ah waxa weeye cid ay Shabaab bad baadinayaan iyo sharwadayaal ma ay jirtee, dhibtu waa ay taaban doontaa cidkastoo isku dayda inay waqti ku iibsato” Ayuu hadalkiisa raaciyay madaxweyne Gaas.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Gaas ayaa ugu baaqay ummada Soomaaliyeed inay nabadgelyadooda illaashadaan islamarkaana ay iska kaashadaan la dagaalanka waxa uu ugu yeeray cadowga dhibaatadda ku haaya

“Waxaan umaleynayaa Puntland waaba ugu yartahay inta dhibta ay ku hayaan Soomaaliya, marka Soomaali meel kasta oo ay joogto inaan iska kaashano cadowgaasi dalka kusoo duulay oo mujrimiinta ah inaan meel uga soo wada jeesano, waana ka adkaan doonaa Insha Allaah, Soomaaliya oo mid ah oo meel uwada jeeda ayaan rajeeynayaa Insha Allaah waqti aan dheereyn” Ayuu hadalkiisa raaciyay madaxweyne Gaas

Si kastaba ha ahaatee, hadalka madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa imaanaya xilli maamulkiisa uu hore maamulka Somaliland ugu eedayay inay taageero dhaqaale iyo mid gabaad ahba siiyaan ururka Al-shabaab ee ka dagaalama buuraha Galgala ee gobolka Bari.

error: Content is protected !!