DAAWO VIDEO:- Madaxweyne Farmaajo oo maanta ubax dhigay taaladda Daljirka Daahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta ubax dhigay taaladda Daljirka Daahsoon oo ku taalla degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho, isagoona halkaasi uu kula hadlay boqolaal dadweyne oo halkaasi isugu soo baxay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin aad u weyn islamarkaana loo baahan yahay in laga wada-shaqeeyo nabada iyo midnimada.

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa ku baaqay in loo midoobo sidii looga soo horjeesan lahaa dadka jecel kala qeybinta shacbiga Soomaaliyeed islamarkaana dadka u diidan nabada iyo nolosha.

Ugu dambeyn, madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyay in sanadkaan sanadkiisa kale uu Alle ku gaarsiiyo nabad iyo caafimaad qab, isagoona ku baaqay inay u midoobaan cadowga Soomaaliyeed.

error: Content is protected !!