Ciidamada Kenya ee AMISOM oo qarax miino lagula eegtay duuleedka degmada Ceel-waaq

Qarax miino oo aad u xoogan ayaa duuleedka degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo lagula eegtay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada Kenya ee ka tirsan kuwa AMISOM.

Qaraxaasi oo sida la sheegay ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa si gaar ahaaneed loola eegtay mid ka mid ah gaadiidka kolonyada ahayd oo ay la socdeen ciidamadaasi Kenya.

Ciidamadaasi ayaa dhowr rasaas riday qaraxa kadib, iyadoona aan la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay rasaastaas, mana jirto┬ácid ilaa iyo haatan sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas ka dhacay duuleedka degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo.

Dhinaca kale, warar madax-banaan aan la xaqiijin ayaa sheegaya in illaa 3 askari oo ka tirsan ciidanka Kenya ay qaraxaasi ku dhimatay, iyadoona tiro kale ay ku dhaawacantay.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalyahanadda Al-shabaab ayaa inta badan qaraxyo la beegsada kolonyada ay la socdaan ciidanka Kenya ee ku kala sugan gudaha dalka Soomaaliya iyo deegaano ku yaalla gobolka waqooyi bari ee Kenya.

error: Content is protected !!