DEG DEG:- Dab aad u xoogan oo daqiiqado kahor ka kacay dekedda magaalada Berbera

Dab aad u xoogan ayaa muddo daqiiqado kahor ka kacay qeyb ka mid ah dekadda weyn ee magaalada Berbera ee maamulka Somaliland, kaas oo la sheegayo inuu ka dhashay Konteenaro yaallay gudaha dekedaas.

Dabka oo aad u xoogan ayaa ka kacay meesha loo yaqaano Barxada Wajaale, waxayna kaabiga ku haysaa haamaha shidaalka Berbera iyo shirkadaha keena gaaska wax lagu karsado.

Xiriir aynu la sameeynay mas’uuliyiinta dekadda Berbera ayaa ka gaabsaday inay haatan faah-faahin ka bixiyaan waxa rasmiga ee sababay dabkaas.

Dhinaca kale, gaadiidka dab-damiska ayaa haatan la tacaalaya daminta dabkaasi, waxaana la sheegayaa inay jiraan qasaare hantiyeed oo dabkaasi ka dhashay.

Waa markii labaad oo dab ka kaco dekedda weyn ee magaalada Berbera ee maamulka Somaliland tan iyo markii ay maamulka dekedaasi la wareegeen shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!