Faah faahin:- Dagaal aad u culus oo haatan ka soconaayo tuulooyin ka tirsan gobolka Sh/dhexe

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in tuulooyin hoos-yimaada degmada Mahadaay uu weli ka soconaayo dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo garab ka helaaya kuwa AMISOM iyo dagaalyahanadda Al-shabaab oo dhinac ah.

Dagaalkaasi ayaa la sheegayaa inuu yimid kadib markii ciidamada huwanta ah ay saakay si nabad-gelyo ah kula wareegeen deegaanka Cali Fooldheere iyo Qurac-madoobe oo hoos-yimaada degmada Mahadaay.

Dagaalyahanadda Al-shabaab ayaa la sheegayaa inay weerar culus kusoo qaadeen deegaanadaasi, waxayna labada dhinac dagaalka isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Illaa iyo haatan lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, waxaana degmada Mahadaay weli laga maqlayaa hubka ay labada dhinac isku adeegsanayaan.

Dagaalka xoogiisa ayaa la sheegayaa inuu haatan si toos ah uga socdo tuuladda Cali Fooldheere oo ku taalla inta u dhaxeeysa deegaanka Biyocadde iyo degmada Mahadaay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka haatan soconaaya uu yahay mid aad u xooggan, ayna ka qeyb qaadanayaan saraakiil Mareykan ah oo dagaalka hagaya iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaaya kuwa AMISOM.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!